Kansarka dumarka oo kusoo badanaya Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kansarka dumarka oo kusoo badanaya Somaliland

Qaar ka mid ah dhakhaatiirta cisbitaallada Hargeysa ayaa sheegay in uu sare u kacay cudurka Kansarka ee dumarka kaga dhaca naasaha iyo ilma-galeenka.

Balse dhakhaatiirtaasi ma aanay soo bandhigin tira koob ay ku muujinayaan dumarka uu ku dhacay Kansarka noocyadaasi leh.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa waxa keena noocyadaasi Kansarka ah, astaamaha lagu garto, ka hortaga iyo daaweynta waxa uu ka waraystay Dr Naciima Cabdiraxmaan Buubaal.