Australia oo diiday eedaymaha Amnesty

Sawir ay Amnesty qaaday oo muujinaya gudaha teendho ay dad dagan yihiin oo ku taalla Nauru Lahaanshaha sawirka AMNESTY INTERNATIONAL
Image caption Sawir ay Amnesty qaaday oo muujinaya gudaha teendho ay dad dagan yihiin oo ku taalla Nauru

Dawladda Australia ayaa si "adag" u diiday in ay si ula kac ah isaga indho tirayso tacadiyada dadka magangalyo doonka ah.

Hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International ayaa sii daysay warbixin ay ku dhaliilayso xaaladda goobaha dadka lagu xiro ee jasiiradda Nauru.

Warbixinta ayaa lagu soo gabogabeeyay in Australia ay si ula kac ah u ogolaanayso tacadiyadaas si ay u niyad jabiso dadka magangalyo doonka ah.

War qoraal ah oo ka soo baxay waaxda socdaalka ee dalkaas ayaa Amnesty ku dhaliilay in aysan dawladda kala tashanin arrintaas.

"Ma jirin wax wadatashi ah oo amnasti ay la samaysay waaxda socdaalka iyo ilaalinta xuduudaha markii warbixintaas la diyaarinayay" ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

"Si adag ayaan u diidanahay inta badan eedaymaha ay warbixintaasi xambaarsantahay, waxaana Amnesty International ku dhiirigalinaynaa in ay la soo xiriiraan laanta socdaalka kahor inta aysan baahinin eedaymahaas oo kale" ayaa la sii raaciyay.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Nauru oo ah jamhuuriyadda adduunka ugu yar ayaa martigalisa mid ka mid ah kaamamka lagu hayo dadka magangalyada ka raba Australia

Warbixintaas waxaa lagu sheegay in Australia aysan dhaqangalinin shuruucda Nauru oo ah dal madaxbanaan.