Giriigga oo dhisaya masaajid malaayiin Doollar ku kacaya

Muslimiin ku tukanaya Giriigga Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Muslimiin ku tukanaya Giriigga

Baarlamaanka Giriigga ayaa ansixiyey dhismaha masaajid ay malaayiin doollar ku baxayso, lacagtaasoo ay dawladdu bixin doonto. Masaajidka waxaa laga dhisayaa meel u dhow faras magaalaha Athens.

Xisbiga talada haya ee Syriza ayaa taageeray hindisaha, kaasoo loogu tala galay inuu caawiyo tobanaan kun oo ah muslimiin soo galooti ah oo hadda ku tukada goobo aan rasmi ahayn oo ku yaalla caasimadda Giriigga.

Kooxaha waddaniyiinta ah ee xulafada la ah xisbiga Syriza, lana yiraahdo Independent Greeks, ayaa ka hor yimid, ayadoo mudanayaasha baarlamaankana ay sheegayaan in ay tahay in aan lacagta dadweynaha loo adeegsan dhismaha wakhtigan xaradda dhaqaale ay jirto. Kaniisadda Orthodox-ka ee Giriigga ayaa iyadana muddo dheer ka soo hor jeedday hindisaha.

Mowduucyada la xiriira