Qareennada Gulen oo u baqaya wadaadkaasi

Turki Gulen Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Turkiga ayaa Gulen ku eedeeyay inuu ka dambeeyay isku-daygii afgembi

Qareennada matalaya wadaadka Turkiga ah ee ku nool Maraykanka, Fethullah Gulen, ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in la dilo.

Xukuumadda Ankara ayaa Mr Gulen ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgembigii dhicisoobay ee dhawaan Turkiga ka dhacay, eedeyntaasi oo uu wadaadka beeniyay.

Turkiga ayaa Maraykanka u gudbiyay caddeymo ku addan Gulen, waxaana uu ka codsaday in uu usoo gacangeliyo.

Garyaqaan Reid Weingarten oo matalaya Gulen ayaa warbaahinta magaalada Washington ugu sheegay in xukuumadda Turkiga ay cadaadis saarayso Maraykanka.

Mr Weingarten ayaa sheegay in wadaadka aanu cadaalad ku heli doonin Turkiga haddii loo gacangeliyo.