Guterres oo ay u badantahay inuu bedalo Ban Ki-moon

Antonio Guterres Qaramada Midoobay
Image caption Antonio Guterres ayaa la filayaa inuu bedelo Ban Ki-moon

Diblomaasiyiin ku sugan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ra'iisul wasaarihii hore ee Bortaqiiska, ahaana madaxa hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga, Antonio Guterres, uu markale kaalinta koobaad ka galay codbixin aan rasmi ahayn oo uu sameeyay Golaha Ammaanka.

Waxa ay sheegeen in Mr Guterres uu sii xajistay hogaanka tartanka cidda bedelaysa xoghayaha guud ee ay hadda leedahay Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon.

Madaxweynihii hore ee Slovenia, Danilo Turk, oo tartankii bishii hore kaalinta labaad galay ayaa hadda hoos u dhacay, waxaana booskiisa galay Vuk Jeremic, oo mar ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Serbia.

Musharraxa kama dambeysta ah ayaa la filayaa in la ogaado bisha October, ka dibna waxaa u coddeyno kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay. Waxa uu xilka la wareegi doonaa 1-da Janaayo 2017-ka.