Koronto la'aan ka dhacday Kenya inteeda badan

Image caption Khariiradda Kenya

Kenya inteeda badan waxay ku waabariisatay koronto la'aan subaxnimadii sabtida.

Shirkada bixisa korontada Kenya oo dhan ayaa sheegtay in koronto la'aan taas ay ka dhalatay cilad ku timid qayb ay soo marto korontada inteeda badan.

Dadka Kenyan ah ee baraha bulshada isticmaala ayaa ku baaqaya in la soo afjaro korontada dalka ee ay gacanta ku haysto hal shirkad oo kali ah.

Shirkaddan oo ay dawladdu leedahay ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ciladdu ay dhacday 05:30 subaxnimo agteeda.

Afar saac kaddib ayay shirkaddu sheegtay in ay korontada u hagaajiyeen inta badan galbeedka iyo bartamaha Kenya, laakiin caasimadda iyo gobolada bariga ku yaalla ayaa wali mugdi sii ahaa wakhti intaas ka sii badan.

In badan oo ka mid ah ganacsiyada ayaa markan oo kale isticmaala jananeetarro, laakiin qiimo sare ayay ugu kacdaa.

Sharci shirkadda ku qasabaya in ay magdhaw ka bixiso khasaaraha ka dhasha korontada oo maqnaata saddex saac kabadan ayaa horyaala madaxwaynaha Kenya si uu qalinka ugu duugo oo sharci u noqdo.

Bishii lixaad Kenya oo dhan ayaa koronto la'aan noqotay kaddib markii ay cilad gashay qalabkii shirkaddan korontada