Madaxwayneyaasha IGAD oo muqdisho ku shiridoona

Daa'uud Aways
Image caption Daa'uud Aweys ayaa BBC-da u xaqiijiyay shirka Igad ee Muqdisho lagu qabanayo

Urur goboleedka IGAD ayaa sheegay in uu bisha soo socota shir ku qaban doono magaalada Muqdisho.

Shirkaas waxaa ka qayb gali doona Madaxwayneyaasha dalalka ku jira urur goboleedka IGAD.

Shirkaas waxaa BBC-da u xaqiijiyay afhayeenka madaxwaynaha Soomaaliya Daa'uud Aweys.

IGAD ayaa go'aankaas ku gaartay shirkii aan caadiga ahayn ee magaalada Addis Ababa ka dhacay shalay, kaas oo ay uga arrinsanayeen xaaladda ka taaganadalka Suudaanka Koonfureed oo khilaaf ka taagan yahay.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa shirkii u horeeyay Muqdisho ku yeeshay bishii koobaad ee sanadkii hore wixii burburkii ka dambeeyay.

Haddii uu shirkani qabsoomana wuxuu noqon doonaa kii ugu meeqaam sareeyay ee ka dhaca magaalada Muqdisho mudo rubuc qarni ka badan