Xisbiga ANC oo guul darro kala kulmay Caasimadda Pretoria

Doorashada Koonfur Afrika: ANC oo lagaga guulaystay caasimadda Pretoria

Hogaamiyaha xisbiga DA Mmusi Maimane Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hogaamiyaha xisbiga DA Mmusi Maimane

Xisbiga talada dalka Koonfur Afrika haya ee African National Congress ayaa guul daro kala kulmay magaalada Pretoria.

Doorashadii dawladaha hoose ee magaaladaasina waxay guushu ku raacday xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance.

Iyada oo tirinta inteeda badan la dhamaystirayna DA ayaa helay 43% marka la barbardhigo xisbiga ANC oo helay 41%.

Codadkaasi waa kuwa lTshawane oo Pretoria-na ay ka tirsan tahay.

Image caption Natiijadan ayaa loo arkaa in ay sawir ka bixinayso doorashada guud ee sanadka 2019

Xisbiga DA wuxuu u baahan yahay in uu xulafo raadsado si ay ugu suurtagasho in uu maamulo.

Labadaasi xisbi ee waawayn ayaa si isu dhaw ugu loolamay maamulidda magaalada dalkaasi ugu wayn ee Johannesburg.

Waa natiijadii ugu hoosaysay ee doorasho ee soo marta xisbiga ANC tan iyo wixii ka dambeeyay xukuumaddii midab takoorka.