Wadahadallo u socda Somaliland iyo Khaatumo
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadahadallo u socda Somaliland iyo Khaatumo

Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo Cali khaliif Galeydh ayaa sheegay in ay wada hadallo la fureen maamulka Somaliland.

Labada dhinac ayaa isku maandhaafsan gacan ku haynta Somaliland ee deegaanno ka tirsan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid ayaa xaqiijiyay wadahadaladaas.

Haddaba si aan faahfaahin uga helno arrintaas waxaan waraysanayay Cali Khaliif Galaydh wuxuuna u waramay weriyaha BBC Cabriraxamaan Bidhaan Xaaji Daahir.