Turkiga oo tallaabo ka qaadaya shisheeye

Turkiga oo tallaabo ka qaadaya shisheeye Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Turkiga oo tallaabo ka qaadaya shisheeye

Dowladda Turkiga, ayaa sheegtay in toban shisheeye ah ay tallaabo sharciga ah ka qaadeyso kaddib afgambigii dhicisoobay ee toddobaadkii tagay.

Ra'iisul wasaare ku xigenka, Numan Kurtulmus, ayaa sheegay in la baaray tobanka xiriirka ay la leeyihiin wadaadka ku nool Mareykanka ee Fethullah Gulen ee lagu eedeynayo inuu ka dambeeyay afgambiga.

Dowladda, ayaa sheegtay in tiro ka badan labo boqol oo ciidamada Turkiga ah oo ay ku jiraan sagaal janaraal in weli la la'yahay, kaddib afgambiga sababay xarriga iyo shaqo ka eryidda kumanyaalka ruux.