Kooxda Soomaaliya ee Cayaaraha Olympics
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kooxda ka socota Soomaaliya ayaa cayaari doonta Arbacada soo socota

Kooxda ka socota dalka Soomaaliya ee ka qaybgalaysa Cayaaraha Olombikada ee ka dhacaya magaalada Rio ayaa lagu wadaa inay ordaan maalinta Arbacada ee soo socota 17 bishan.

Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Daauud Maxamed ayaa uga qaybgalaya Soomaaliya cayaaraha Olombiga.

Haddaba rajo noocee ah ayay qabaan iyo sidee dadka Soomaaliyeed u arkaan Abdullahi Osman Faarax oo ah weriye dhinaca sportiga oo Muqdisho jooga ayaa warbixintan nooga diyaariyay.