Qaramada Midoobay oo ku baaqday Itoobiya in la geeyo kormeerayaal

Dad ku banaanbaxaya Itoobiya Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Human Rights Watch ayaa sheegtay in in ka badan 400 qof ay ku dhinteen mudaaharaad Oromia

Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay u oggolaato kormeerayaal caalami ah dalkeeda, gaar ahaan goobaha ay saameeyeen banaanbaxyadii dhiiggu ku daatay ee ka dhacay dalka.

Madaxa Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha, Zeid Ra'ad Al Hussein, ayaa sheegay in aanu jirin isku day dhab ah oo lagu baarayo rabshadahaasi ama lagu oggaanayo cidda masuulka ka ahayd.

Hey'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay sheegtay in boqol qof lagu dilay banaanbaxyada ka dhacay gobolada Oromia iyo Amhara toddobaadka dabayaaqadiisa.

Oromada iyo Amxaarada waa qowmiyadaha ugu ballaaran dalka Itoobiya, waxayna ka mudaharaadayeen dhul iyo arrimo kale.

Mowduucyada la xiriira