Darawal qorsheynayay in uu weerar ku qaado dalka Canada

Booliisku waxay sheegeen in uu qorshaynayay weeraro waawayn Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Booliisku waxay sheegeen in uu qorshaynayay weerarro waawayn

Booliska dalka Canada ayaa dilay nin 24 jir ah oo qorshaynayay weerar kadib markii uu Bambaanadii ugu horesay uu ku dhex qarxiyay baabur Taxi ah oo uu la socday xili ay Eryanayeen Laamaha amaanku.

Laamaha amaanka ee Dalka Canada ayaa sheegay in ay ka warqabeen in ninkaasi uu gacan saar la lahaa kooxda isugu yeerta Dawladda Islamka.

Illaa iyo imika ma kala cadda halka uu weerarakani ku wajahnaa iyo in ninkaasi uu doonayay in uu caawiyo rag kale iyo inkale

Aabaha dhalay ninkaasi ayaa isaguna sheegay in wilkiisu uu lumay oo uu san ka warqabin halka uu ku maqnaa.

Mike Cabana oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska Boqortooyada Canada ayaa sheegay in howlgal kaasi uu ahaa mid wakhti kooban la haystay kaddib markii ay sirdoonka Maraykanku ku wargaliyeen horaantii todobaadkan in shaqsiyaad an haybtooda la garaneyn ay weerar ka fulin doonan gudaha wadanka Canada iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa ee gacan ku sameyska ah