Diyaarad ku burburtay dalka Afghanistan.

Diyaarad helicopter- ah oo ku burburtay Afghanistan
Image caption Diyaarad laga leeyahay Pakistan oo burburtay

Waxa la sheegayaa in lix qof oo ka tirsan shaqaalaha diyaarad helicopter ah oo ay leedahay Pakistan, oo ku burburtay dalka Afghanistan, in ay bad qabaan caafimaadkoodana uu wanaagsan yahay.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Pakistan ayaa sheegtay in qofka Ruushka u dhashay oo hagayay diyaaradda iyo shanti qof ee kale ee u dhashay Pakistan, ay dib ugu soo laabteen magaalada Islamabad sagaal cisho kadib markii ay shil gashay

Dalalka Pakistan iyo Afghanistan, waxaa uu dhaxeeya xiriir aan wanagsaneyn, balse labada dalba waxa ay xaqijiyeen in diyaaradan helicopter-ka ah oo ay leedahay dolwad gobaleedka Punjab, ay haysatay ogalaansho ah in ay isticmaasho hawada Afghanistaan.

Waxa ay u socotay dalka Ruushka oo lagu waday in lagu soo dayactiro markii ay ku dhacaysay gobolka Logar.

Waxa jiro warar aan la xaqijin oo sheegaya in lix qof oo saarneyd diyaaradda, ay gacan galeen kooxda Taaliban.

Raii'sul wasaraha Pakistan waxa uu sheegay oo keliya in ay isticmaalayaan wada walba oo ay dadkaasi ku soo deyn karaan.

Tallaabadaasi ayaa haatan lagu guuleystay.

Xukuumadda Islamabad ayaa sheegeysa in dadkaasi laga soo daayay xadka, iyaga oo kala badalashadana ay dhexdhexaadiyeen qaabil halkaa deggan.

Xukuumadda Islamabad ayaa sheegtay in dadkan lagu sii daayay dhexdhexaadin ay sameeyeen kaaba-qabiillada ku nool soohdinta Pakistan iyo Afghanistan.

Mowduucyada la xiriira