Somaliland oo cafis u fidisay siyaasiyiinta deegaannadeeda ee Muqdisho ku sugan
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo cafis u fidisay siyaasiyiinta deegaannadeeda ee Muqdisho ku sugan

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilahi Saxar-diid, Caddaani, ayaa sheegay in madaxweyne Siilaanyo uu cafis u fidiyay dhammaan siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Muqdisho oo xataa sida uu sheegay soo daadgureyntooda xukuumadu ay ka qayb galeyso.

Wariyaha BBC Axmed Saciid Cige oo wareystay wasiirka ayaa marka hore waydiiyey natiijada laga filayo wada hadalada u socda khaatumo iyo Somaliland.