Guantanamo Bay: Maxaabiis loo wareejiyay Imaaratka Carabta

  • 16 Agoosto 2016

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegaysa in 15 qof oo lagu hayay xabsiga Guantanamo Bay ee dalka Cuba loo wareejiyay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Guantanamo Bay

61 Maxaabiis

Ayaa hadda lagu hayaa

  • Ayaa la ogolaaday in la wareejiyo : 20

  • Ayaa xabsiga ku haray : 34

  • Ayaa lagu soo oogay danbiyo: 7

  • Waqtiga ay ugu maxaabiista badnaayeen (June 2003): 684

Getty

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warramaysa in 12 maxbuus oo ka mid ah dadkaasi ay u dhasheen dalka Yemen sidoo kalana ay jiraan kuwo u dhashay dalka Afghanistan.

Waa tiradii ugu badneyd ee maxaabiis ah ee la wareejiyo intii uu xilka madaxtinimada Mareykanka hayay madaxweyne Obama.