Trump: Qiil ayaa loo hayaa dilka nin madow ah

Musharaxa Madaxtinimada ee Xisbiga jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump oo olole doorasho oo dad badan ay kasoo qaybgaleen ku qabtay magaalada Milwaukee ayaa sheegay in caddaymaha hordhaca ah ay muujinayaan in dilkii booliska ay maalinkii Sabtidii u geysteen ninkii madoowga ahaa qiil loo hayo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Musharaxa Madaxtinimada ee Xisbiga jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump

Dilka sylville smith ayaa waxaa u horseeday dibedbaxyo rabshado watay.

Mr Trump ayaa codsaday wax ugu yeeray dagaalka ka dhanka ah booliska in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo gebagabeeyo.