Wareysi: Xaaladda magaalada go'doonsan ee Xalab
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Xaaladda magaalada go'doonsan ee Xalab

Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Suuriya, Steffen de Mastura ayaa lagu wadaa in uu maanta ka hadlo xaaladda bani'aadannimo ee ka taagan magaalada hareeraysan ee Xalab.

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in dowladda Ruushka ay kala hadlayso suurtogalnimada ah in la hakiyo dagaalka si kaalmadaasi loo geeyo dhulka looga baahan yahay.

Labo milyan oo qof ayaa la aaminsan yahay inay magaaladaasi ku xanniban yihiin. Magaalada ayaa maalin ka hor waxaa lagu weeraray kiimiko sun ah oo waxyeeleysay dad badan oo shacab ah.

Arrintaas ayaan wax ka weydiinnay Xuseen Yoonis Xasan oo ah sargaal sare oo ka tirsan xafiiska QM ee Suuriya.

Wuxuu u waramay Raage Xasan