Gabar iyo aabaheed 40 sano ka dib is helay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar iyo aabaheed oo 40 sano ka dib is helay

BBC-da ayaa waxa ay dhowaan wax ka qortay warbixin ku saabsanayd, gabar soomali ah oo ku nool dalka Ruushka oo dhowaan ku guulaysatay in ay dib ula midowdo aabaheed oo ay ugu dambaysay 40 sano ka hor.

Gabadhaasi waxa la yiraahdaa Farxiyo, waxayna 1976 ku dhalatay magaalo la oran jiray Leningrad, haatanna loo yaqaano St. Petersburg. Hooyadeed waa Ruush, aabaheed oo soomaali ahna waxa uu Ruushka ka soo tagay kadib markii uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo midowgii Sovietka.

Haddaba, waxaa suurtageliyey is helitaanka Farxiyo iyo aabaheed, barta bulshada ku xiriirto ee Facebook.

Deeq Mohamed Afrika waxa uu ahaa ninkii isku xiray labaasi qof isagoo adeegsanaya Facebook-ga.

Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa waraystay Deeq waxa uuna ugu horeyntii waydiiyey bal sida ay arrintaasi ku dhacday.