Maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka kaneecada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka kaneecada

Maanta oo kale waxaa caalamka laga xusaa maalinta la dagaallanka kaneecada.

Cayayaankan ayaa bani'aadanka u gudbiya xannuuno ay ka mid tahay duumada, waxaana cuduradaasi u dhinta dad badan sanad waliba.

Xanuunka duumadda ayaa ka mid ah kuwa dilaagga ah ee weli ay la tacaalayaan waddamada soo koraya.

Haddaba si aan waxbadan uga ogaanno xiriirka ka dhexeeya kaneecada iyo xanuunnada ay keento ayaa wuxuu Xasan Cali Geelle ka waraystay Dr Maxamuud Zahid Maxamuud, oo ka howlagala cisbitaalka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.