Benteke oo ku biiray Crystal Palace

Benteke Livepool Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Benteke ayaan si wanaagsan ugu dheelen Liverpool

Kooxda Crystal Palace ayaa lasoo wareegtay weeraryahanka Belgium u dhashay ee Christian Benteke, ka dib markii ay Liverpool siisay lacag dhan 27 milyan oo Pound.

Palace ayaa ogolaatay in ay dib ka bixiso 5 milyan oo Pound oo dheeraad ah, ayadoo qandaraas 4 sano ah siisay 25 jirkan waxbadan u tari waayay Liverpool.

Benteke ayaa Liverpool kusoo biiray bishii July 2015, ka dib markii ay 32.5 milyan oo Pound kagala soo wareegtay Aston Villa, waxaana uu tababare Jurgen Klopp u saftay 8 kulan oo horyaalka England ah.

Waxa uu noqonayaa laacibkii afaraad ee ay Crystal Palace lasoo wareegto tan iyo dhammaadkii xilli ciyaareedkii hore, waxaana ka horreeyay Andros Townsend, James Tomkins iyo Steve Mandanda.