Ciyaarihii Olombikada oo la soo gabagabeeyay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xafladdii xiritaanka Olombikad Rio 2016

Ciyaaraha Olombikada ayaa si rasmi ah loogu soo xiray xaflad lagu qabtay garoonka Maracana. Waxaa lagu soo bandhigay mahrajaan qurux badan oo socday ku dhawaad 3 saacadood, kaasoo loo adeegsaday nalal midabbo kala duwan bixinaya, Bulallayr, heeso caadi ah iyo kuwii saambada iyo cayaarihii salsada ee Brazil ay caanka ku ahayd.

Xalay waxaa kaloo aad dadka u soo jiitay qaabka loo sameeyey biro ay muraayado ku xiran yihiin oo nalna ku shidan yahay, kuwaasoo iska daba rogmanaya, bixinayana muuqaal la moodo sidii xargo is daba maraya.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xafladda xiritaanka Rio

Waxaa iyagana halkaa lagu soo bandhigay calammada dalalka ka qayb galay oloombigga, ayadoo cayaartoyda qaarkoodna ay garoonka soo galeen.

Calanka olombigga ayaa sidii caadadu ahayd waxaa lagu wareejiyey gabadha mayorka ka ah Tokyo oo 2020 cayaaraha olombigga lagu qaban doono.

Ra'iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe, ayaa isna garoonka si fanniyad leh uga soo dhex muuqday, isagoo ka soo dhex baxay dhululubo garoonka la soo dhex dhigay, kubbad guduudanna sitay, wuxuuna u labisnaa sidii ninka la yiraahdo Super Mario ee cayaaraha video game-ka lagu yaqaanno.