Ruushka oo "aqbalay" 48 saac oo xabad joojin ah

Magaalada Xalab
Image caption Magaalada Xalab

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Ruushka uu aqbalay xabad joojin gargaar bini'aadamnimo oo 48 saac ah in lagu soo rogo magaalada Xalab ee Suuriya si gargaar muhiim ah halkaasi loo gaarsiiyo.

Hasayeeshee laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay, Staffan de Mistura iyo Jan Egeland, ayaa sheegay in sidoo kale weli loo baahan yahay in dhinacyada ay aqbalaan xabad joojintaas.

Waxay sheegeen in kolonyada gargaarka ay diyaar u tahay inay dhaqaaqdo, qorshuhuna waxa uu yahay in si xiriir ah gargaarka loo gaarsiiyo magaalada kala qeybsan ee Xalab oo ay kala maamulaan dowladda iyo fallaagada.

Bilowgii bishan Ruushka ayaa ku dhawaaqay inuu maalinkastaa 3 saacadood uu joojin doono howlgalladiisa millateri ee uu ku hayo Xalab.

Hasayeeshee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in saacadahaasi aanay ku filnayn magaalada.