Tallaalka dabeysha oo Afghanistan ka bilowday

Dabeysha Afghanistan Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Xannuunka Dabeysha ayaa weli ka taagan Afghanistan

Olole ballaaran oo ah tallaalka xannuunka dabeysha ayaa maanta ka bilowday dalka Afghanistan.

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF oo kaashaneysa dowladda Afghanistan ayaa dooneysa in tallaalkan uu gaaro 9 milyan oo canug, kuwaasoo ay da'doodu ka yartahay 5 jir.

Cudurka dabeysha ayaa ah mid si fudud la isugu gudbin karo, isla markaana qof ku rido karo saacado gudahood curyaannimo joogta ah.

Weli daawo looma helin cudurkaasi, balse ka hortag ayaa la samayn karaa.

Ololahan tallaalka dabeysha ee Afghanistan oo dhan ka dhacaya, ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona kumannaan howl-wadeennada caafimaadka ah oo guri waliba tegi doona, si ay u gaaraan carruurta u baahan.

Afghanistan iyo dalka deriska la ah ee Pakistan ayaa ah labada dal ee caalamka oo dhan uu sida ba'an uga jira cudurka dabeysha.

Hay'adda UNICEF ayaa rumeysan in Afghanistan ay hadda qarka u saaran tahay ciribtirka dambeysha, balse amni darrada waddankaasi ay caqabad ku tahay dadaalka lagula dagaallamayo xannuunkaasi.

Qiyaastii rubuc milyan carruur ah ah ayaa ku nool deegaanno ay ammaan ahaan gaari karin shaqaalaha caafimaadka ee Afghanistan.