Maamulka kubada hoose oo ka walaacsan dib u noqoshada qaxootiga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka Jubada hoose oo ka walaacsan dib u noqoshada qaxootiga

Maamulka Jubada hoose ayaa walaac ka muujiyey qaabka uu u socdo barnaamijka qaxootiga soomalida dib loogu celiayo soomaliya. Maamulka ayaa waxa uu sheegayaa in aanan laga la tashan howshan oo ay haatan fulinayso hay’adda u qaramada midoobe u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Waraysi uu BBC-da siiyey Cabdirashiid Cali Gooni oo ah Barasaabka gobolka Jubada Hoose ayaa waxa uu uga hadlay walaaca dhinaca ammaanka ah ee maamulku ka qabo qaxootiga dib loogu celinayo degaanno ay ka mid yihiin kuwa ay iyagu maamulaan.

Walaac uu maamulka muujinayo waxa uu ku soo beegmay iyadoo UNHCR ay sheegtay in tiradii ugu badnayd ee qaxooti ah maanta dib loogu celiyey soomaaliya iyadoo la adeegsanayo diyaarado iyo basas.

In ka badan 1200 oo qof ayaa maanta dib loogu celiyey soomaaliya. UNHCR waxay sheegtay in guud ahaan in ka badan 23 kun oo qaxooti ay iskood dib ugu noqdeen soomaaliya tan iyo bilawgii sanadkan.

Sarkaal ka tirsan Hay’adda UNHCR ee Nairobi ayaa ka gaabsaday in uu wax jawaab ah ka bixiyo arrinta uu ka hadlay maamulka jubada hoose.

Halkan ka dhagayso waraysiga barasaabka Jubada hoose Cabdirashiid Cali Gooni, Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayuuna u waramay.