Siyaasiyiin lagu xiray Tanzania

Tanzania siyaasad
Image caption Booliska Tanzania ayaa mamnuucay isu soo baxyada siyaasadeed

Booliska Tanzania ayaa xiray oo su'aallo weydiiyay 5 siyaasi oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka dalkaasi ee CHADEMA, ka hor inta aanay damaanad kusii deyn.

Edward Lowassa oo doorashadii lasoo dhaafay si weyn ula tartamay madaxweynaha xilka haya John Magufuli, ayaa ka mid ahaa shanta siyaasi ee la xiray.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta loo xiray siyaasiyiintaasi, balse xilliga la qabanayay ayaa waxa ay ka shirayeen dibedbaxyo ay dalka ka dhigi rabaan Khamiista soo socota.

Dowladda Tanzania ayaa mamnuucday in dhammaan isu soo baxyada siyaasadeed ee dalkaasi.