Doorashadii u horaysay ee Hong Kong ka dhacda tan markii ay dibadbaxyadu dhaceen

CY Leung oo cunto lagu tuurayo markii uu u yimid in uu codeeyo Lahaanshaha sawirka AP
Image caption CY Leung oo cunto lagu tuurayo markii uu u yimid in uu codeeyo

Dadka reer Hong Kong ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashadii u horay ee wayn tan iyo markii ay dhaceen dibad baxyadii dimuqraadiyadda ee sanadkii 2014-kii.

Xisbiyada waawayn ee loolamaya waxay ku kala qaybsan yihiin meesha ay ka taagan yihiin calaaqaadka Beijing.

Cod bixiyeyaashu waxay dooran doonaan 35 xildhibaan oo ku salaysan deegaan ahaan iyo 35 ruux matali doona dano ganacsi iyo xirfadleyaal kala duwan

Dimuqraadiyad dhamaystiran kama jirto magaalada dadka oo dhana ma awoodaan in ay xildhibaanada oo dhan soo doortaan, soddon ka mid ah kuraastana waxaa go'aan ka gaara boqolkiiba 6 ka mid ah bulshada.

Codayntaas laguma soo dooran karo madaxa ugu sareeya oo ah hogaamiyaha dawladda, laakiin qaar badan oo ka mid ah dad wax falanqeeya waxay qabaan in natiijada Axaddu ay saamayn ku yeelan doonto in bal in Shiinuhu ay mar kale xilka u dhiibo hogaamiyaha hadda ee CY Leung iyo in kale.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption 70 xildhibaan ayaa la dooranayaa

Mowduucyada la xiriira