China oo baaq u diray madaxda G20

Madaxda G20 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxda G20

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jingping, ayaa ku boorriyay hogaamiyeyaasha dalalka ugu dhaqaalaha buuran dunida in ay hadalka afka baarkiisa ah iska daayaan inta ay ka wada xaajoonayaan kobcinta dhaqaalaha.

Hogaamiyeyaasha dunida ayaa isugu yimid shirmadaxeedka dhaqalaha oo Shiinuhu markii ugu horraysay marti galinayo.

Madaxweyne Xi wuxu yidhi dhaqaalaha dunidu wuu soo kabanayaa laakiin waxa horyaalla caqabado xagga maaliyadda iyo ganacsiga ah.

Waxa kale oo laga wada hadli doonaa iibka xadiidka ee suuqyada dunida, wadahadallaha Ingiriiska ee ka bixitaanka Yurub iyo cashuuraha ku waajibay shirkadaha caalamiga ah sida Apple oo kale.

"In kastoo ay jiraan khataro iyo caqabado horyaal dhaqaalaha dunida, beesha caalamku waxay aad ugu hanqal taagaysaa shirkan G20 ee ka socda Hangzhou" ayuu yidhi madaxweyne Xi.