Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ka horyimid shirka Jowhar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa ku biiray dhinacyada diidan shirka Jowhar

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yusuf Axmed Xagar (Dabageed) ayaa ku biiray dhinacyada diiddan qabashada shirkii maamul-gobolleed loogu sameyn lahaa Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiyaha oo dhawrkii maalmood ee u dambeeyay joogay Muqdisho, ayaa BBC-da u sheegay inuu qaatay mowqif ka duwan kii hore ee uu la qabay dawladda federalka, wuxuuna sabab uga dhigay inuu uu arkay in maamulka la sameynayo aan lagala tashan reer Hiiraan, Ugaasyada iyo weliba maamulkiisa gobolka.

Weriyaha BBC-da Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq ayuu u waramay.