Waraysiga aan la yeelanay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorashada Soomaaliya wakhtigeedii maku dhaci kartaa

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa shaki ka muujiyay in doorashada Soomaaliya ee loo ballansan yahay dhawaantan ay ku dhici doonto xilliggii loogu talagalay.

Arrintan ayaa imanaysa xilli hogaamiyayaasha madasha ay magaalada Muqdisho ku leeyihiin kulan ay uga arrinsanayaan dhameystirka nidaamka ay doorashadu ku dhacayso.

Doorashada ayaa la qorsheeyay inay dhacdo dhammaadka bisha Oktoobar ee soo soo socota.

Michael Keating oo booqday Studio-yaha BBCda ee London ayaa u warramay Farxaan Maxamed Jimcaale oo ugu horreyn weydiiyay in doorashada Soomaaliya ay ku dhacayso xilligii loo dejiyay?