Muuqaal: wadooyinka Muqdisho oo maalintii labaad xiran
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo ammaanka Muqdisho oo aad loo adkeeyay

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad xiran wadooyin muhiim kaddib markii ciidammada ammaanku u xireen sababo nabadgalyo oo ku aadan shir madaxeedka wadamada Bariga Afrika oo talaadada soo socota ka qabsoomi doona caasimadda Soomaaliya.

Xirnaanshaha wadooyinka muhimka ah ee magaalada ayaa ku soo aadaya xilli ay dadku isu diyaarinayaan maalmaha ciidda ee fooda inagu soo haya taas oo saamayn weyn ku keentay dukaamaysiga dadka ciidaya.