Erdogan oo ka hadlay weerarada millatari ee uu Suuriya ka wado

Erdogan: ujeedada weerarka ay Suuriya ka wadaan waa in aan ka hortagno weeraro ay ka dhaca gudaha Turkiga Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Erdogan: ujeedada weerarka ay Suuriya ka wadaan waa in aan ka hortagno weeraro ay ka dhaca gudaha Turkiga

Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan, ayaa sheegay in hawlgalka millatari ee Turkigu uu ka fulinayo gudaha Suuriya uu yahay talaabadii u horaysay ee ka dhan ah kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka.

War qoraal ah oo uu soo saaray madaxwayne Erdogan ayuu ku sheegay in ay sugayso hawl ay ku soo afjarayaan Kooxda Dawladda Islaamka ee Suuriya waa sida uu hadalka u dhigay ee.

Wuxuu arrintaas ku macneeyay in looga golleeyahay in aysan weeraro kale ka gaysanin gudaha Turkiga.

Wuxuu intaas ku daray in malayshiyada PKK ay isku dayday in ay sare u qaado weerarada ay gaysato tan iyo wixii ka dambeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay bishii July.

Arrin midan ka duwana warbaahinta Turkigu waxay ku warantay in diyaaradaha dagaalka ee Turkigu ay dileen 20 ka mid malayshiyada Dawladda Islaamka kaddib markii shalay cirka laga duqeeyay iyaga oo ku sugnaa magaalada Tal Al-Hawaa oo ku taala waqooyiga Suuriya. Duqaymahaas ayaa ku habsaday saddex dhismo gaari iyo mooto.