CECAFA oo tartan kubadeed u qabanaysa dumar
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

CECAFA oo tartan kubadeed u qabanaysa dumarka

Xiriirka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa markii ugu horreysay muddo sodon sano ah waxa uu qaban qaabiyay tartan ay ka qayb galayaan xulalka hablaha kubadda cagta ee dalalka ku yaal bariga iyo badhtamaha Afrika qaarkood.

Tartanka oo maanta furmaya magaalada Jinja ee dalka Uganda ayaa waxaa ka qeybgalaya xulalka kubadda cagta ee hablaha ee 7 dal, waxaana loo kala qeybiyay 2 qeybood.

Haddaba waxaan khadka taleefanka ee magaalada Jinja kula xiriirnay, Caamir Cabdi Xasan, oo ka tirsan Xiriirka Kubadda Cagta ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, kana mid ah gudigga qaban qaabiyay tartanka, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo ugu horrayn waydiiyay dalalka tartankan ka qayb galaya?