Saldhiga dhexe ee Mombasa oo la weeraray

Sawirka booliiska Kenya Lahaanshaha sawirka AP

Saldhiga dhexe ee magaalada Mombasa ayaa lagu qaaday weerar looga shakiyay argagixiso.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in saddex haween ah ay isku dayeen in ay dab qabadsiiyaan kaddib markii tuureen bambooyin laga sameeyay batrool.

Waxaa sioo kale la sheegay in ay wateen mindiyo.

Booliiska ayaa toogasho ku dilay saddexdii dumarka ahaa, qof booliiska ka mid ah ayaa isna dhaawacmay.

Waxaa jira warar sheegaya in ay baxsadeen labo haween ah weerarka qayb ka ahaa.

Tiro weeraro ah ayaa ka dhacay gobolka xeebta ee dalka Kenya sanadihii u dambeeyay, qaar badan oo ka mid ahna waxaa gaystay ururka Al-Shabaab.