Itoobiya oo maxaabiis Muslimiin u badan cafiday

Khariiradda Itoobiya

Dawladda Itoobiya ayaa cafiday boqolaal maxaabiis ah iyada oo uu dalku u dabaaldagayo sanadka cusub ee Itoobiya iyo ciida Carafo.

Maxaabiistaas badankoodu waa Muslimiin ka qayb qaatay dibad bax dawladda lagaga soo horjeeday oo dhacay afar sano ka hor.

Dadka la cafiyay waxaa ka mid ah Yusuf Getachew, oo tifaftire ka ahaa wargays arrimaha Muslimiinta ka hadla.

Sanadkii hore 2015 ayaa lagu xukumay 7 sano, kaddib markii lagu helay argagixisanimo.

Maxaabiis badan oo siyaasadda u xiran ayaase wali xabsiyada ku jira, kuwaas oo ay ka mid yihiin kuwii la xiray markii ay dhaceen dibad baxyadii waawaynaa ee dhawaan lagu diidanaa dawladda.