Dhageyso: Maxaa ka dhalan kara joojinta qaadka?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhageyso: Maxaa ka dhalan kara joojinta qaadka?

Maanta hal isbuuc ayaa laga joogaa markii dowladda Somaliya ay ku dhawaaqday inay Khatka joojisay.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in meelaha qaar ee Somaliya gawaari lagu geeyo Khatka halka deegaanada Qaarna ay diyaarado ku tageen.

Laakiin muddadaasi, magaalada Muqdisho kameysan degn diyaarad Khat.

Beeralayda Kenya ee khatka soo saaraya ayaa sheegay in qasaare weyn uu arrintaasi ka soo gaaray.

Laakiin Dhaqaatiirta maskaxda ku taqasustay waxay sheegayaan inaysan habooneyn in halmar lawada joojiyo, waxayna ka digayaan in dadka ay daroogo kale oo ka xun qaadka baran karaan.

Dr Cabduqadir Xuseen, waxa uu dhowr jeer ka mid noqday cilmi baarisyo lagu sameeyay saameynta Khatka iyo sida ugu wanaagsan ee lagu joojin karo.

Wuxuu u warramay Axmed Xaji Xasan.

Mowduucyada la xiriira