Qaxooti badan oo Maraykanka dib u dejin loogu sameynayo

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweyne Obama

Maamulka Madaxweyne Obama ee dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay qorshe dib u dejin loogu sameeynayo qaxooti tiradooda lagu sheegay 110,000 sanad miisaaniyadeedka billaaban doono bisha October ee sanadkan.

Tiradaasi ayaa toban kun ka badan qiyaastii horray loo sheegay, waxayna sidoo kale 30% ka badan tahay tirada ay dowladdu dib u dejin ugu sameynaysa sanad miisanyadeedka hadda socdo.

Warbaahinta dalka Maraykanka ayaa sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, John Kerry, uu qorshahaasi u soo bandhigay Guddiga Aqalka Senate-ka u qaabilsan arrimaha garsoorka.

Mar sii horreysana xisbiga Jamhuuriga ayaa ku edeeyay Madaxweynaha in uu si ula kac ah u kordhinaya tirada qaxootiga sanad walbo, isagoo aan qiimeyn ku sameyn saameynta ay arrintaasi ku yeelan karto bulshooyinka Maraykanka.

Jeff Sessions oo la taliye sare u ah Musharraxa Madaxtinnimada ee xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump, ayaa qorshahan ku tilmaamay mid dhibaato dhaqaale u keeni karo dadweynaha Maraykanka.