Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsamn gargaarka Suuriya oo dhaqaaqi la'

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Burbur xooggan ayaa soo gaaray magaalada Xalab

Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay dowladda Suuriya inay is hortaagtay gargaarka bani'aadannimo ee la gaarsiin lahaa tobonaan kun oo qof oo rayid ah inkastoo xabbad joojintii ay dalkaasi ka hirgashay Isniintii aan soo dhaafnay.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa sheegay in hay'addiisu aysan wali helin ogolaanshihii ay dowladdu u ballan qaaday mar hore.

Wuxuu sheegay in la joogo wakhtigii ay ragga dharagsan joojin lahaayeen xayiraadda ay saareen cunnada loo wado caruurta baahan.

Qaramada Midoobay waxay rajaynaysaa in Jimcaha soo socda ay gargaar gaarsiiso magaalada go'doonsan ee Xalab.

Sarkaal kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, Jan Egeland, ayaa sidoo kale eedda dusha kaga tuuray siyaasiyiinta mucaaradka iyo kooxaha fallaagada.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay golaha maxalliga ah ee aagga ay fallaagadu ka taliso ee Bariga Xalab in ay wadaan "dheel siyaasadeed", isagoo ku tilmaamay sida "rag xiran suud iyo darees watana hub" oo hor istaagaya in gargaarka uu sii socdo.

Mar sii horreysayna, Ruushka ayaa sheegay in xoogagga dowladda iyo kuwa falaagadaba ay baneeyeen marinnada laga galo Xalab.