Mudaharaad ka dhan ah beesha caalamka oo Hargeysa ka dhacay

Somaliland
Image caption Mudaharaad lagu taageerayo xukumadda oo ka dhacay Hergeysa

Somaliland waxaa ka taagan dood ku aadan dib u dhigidda doorashada baarlamaanka oo ay dhawaan ku dhawaaqday xukumadda.

Doorashada madaxtooyada ayaa haseyeeshee qabsoomi doonto bisha March 2017 sida uu markii horaba qroshuhu ahaa.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka soo horjeeda kala qaadista labada doorasho iyadoo xisbiyada Kulmiye iyo UCID-na ay taageereen.

Waxaa sidaasi oo kale go'aankaasi dhaliilay beesha caalamka oo sheegtay inuu wiiqi karo kalsoonidii lagu qabay dimuqraadiyadda Soomaaliland.

Magaalada Hergeysa waxaa maanta ka dhacay mudaharaad lagu taageraya go'aanka xukummada.

Dadkaasi qaar kamid ah waxay ku dhawaaqayeen in bulshada caalamka aysan faragashan arrimaha doorashada Somaliland.

Weriyaha BBC-da Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa tegay goobta banaanbaxa Hargeysa oo warbixintan nooga soo diray.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Muran ka dhashay dib u dhigidda doorashooyinka Somaliland