Qaxooti doonaya in ay Soomaaliya ku laabtaan oo Dhadhaab ku xanniban
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti doonaya in ay Soomaaliya ku laabtaan oo Dhadhaab ku xanniban

Ayadoo Magaalada New York uu ka socdo shir arrimaha qaxootiga ku saabsan, ayaa dhanka kale weli waxaa xeryaha Dhadhaab ku xanniban boqollaal qof oo doonaya inay Soomaaliya dib ugu noqdaan.

Bil ayey hadda ku dhowdahay markii maamulka Jubaland uu diiday qaabilidda qaxootiga, taasi waxay keentay in dad badan oo caruur iyo haween ay kamid yihiin ay illaa iyo hadda ku jiraan xeryo loogu tallagalay in la geeyo dadka la celinaayo oo aan lahayn hooy wanaagsan.

Qaar kamid ah haweenka halkaasi ku xanniban ayaa waxay u warrameen Axmed Xaji Xasan