Qoyska Zuckerberg oo ku yaboohay ballaayiin dollar

Mark Zuckerberg and Priscilla Chan Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mark Zuckerberg iyo xaaskiisa Priscilla Chan

Ninka asaasay barta Facebook, Mark Zuckerberg iyo xaaskiisa Priscilla Chan, ayaa sheegay in ay tobanka sano ee soo socda ku bixin doonaan lacag dhan 3 bilyan oo dollar, si loo daweeyo, looga hortago ama loo maareeyo dhammaan cudurrada marka la gaaro dhammaadka qarnigan.

Lacagtaasi ayaa lagu maalgelin doonaa baaritaannada cilmiyeysan iyo samaynta xarun cusub oo cilmi baarista ah taasoo laga hirgelin doono gobolka California ee dalka Maraykanka.

Lamaanahan ayaa sheegay in ay kharash badan ku bixin doonaan sidii uu adduunka u noqon lahaa meel ay si wanaagsan ugu koraan carruurtooda.

Madaxda shirkadaha tiknoolajiyadda ayaa sanadihii dambe bilaabay in ay xoogga saaraan caafimaadka dadweynaha.

Mr Zuckerberg iyo Ms Chan, oo ay gabar u dhalay December-tii hore, ayaa xilligaasi shaaciyay in ay qorsheynayaan bixinta 99% saamiga ay ku leeyihiin Facebook, si loogu maalgaliyo mashaariicda dadka u wanaagsan.