Morocco oo dalbatay dib ugu soo noqoshada Midowga Afrika

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Morocco ayaa dalbatay inay ku biirto Midowga Afrika

Midowga Afrika ayaa sheegay in dalka Morocco uu si rasmi ah u soo dalbaday dib ugu soo noqoshada ururka.

Morocco ayaa isaga baxday Midowga Afrika 30 sanno ka hor ka dib markii labada dhinac uu dhexmaray muran ku saabsan Galbeedka Saxaraha.

Ururka Midowga Afrika ayaa gobolkaasi u aqoonsaday dal madax banaan halka Morocco-na ay u aragto Galbeedka Saxaraha inuu yahay gobol ka tirsna dalkaasi.

Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya inay u muuqato in Morocco ay hadda garwaaqsatay in ka maqnaashaheeda ururkaasi ay hoos u dhigtay galaangaalka ay qaaradda ku leedahay.

Morocco ayaa rajaynaysa in ku soo laabashada ururkaasi ay u suurtagaliso in dalalka xubnaha ka ah ururka ay ku qanciso inay taageeraan mowqfikeeda ku aadan Galbeedka Saxaraha.