Madxafka dadka Madaw ee Maraykanka ah oo laga furay Washington DC

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madxafka cusub

Madaxwaynihii u horeeyay ee Madaw ee dalka Maraykanka soo mara ayaa si rasmi ah xariga uga jaray matxafkii qaran ee ugu horeeyay ee lagu soo bandhigo taariikhda dadka madaw ee Maraykanka ah.

Madxafkaas ayaa xarigga lagaga jaray magaalada Washington DC.

Barack Obama ayaa sheegay in madxafkan oo ay ku baxday lacag gaaraysa 540 milyan oo doolar uu u taagan yahay safarka loogu jiro dhanka dimuqraadiyadda.

Dhismaha madxafkan oo uu naqshadeeyay David Adjaye oo u dhashay dalka Britain ayaan sidaa ugu fogayn aqalka cad

Obama waxaa furitaanka ku weheliyay madaxwaynihii isaga ka horeeyay George W Bush oo saxiixay sanadkii 2003 sharciga ogolaanaya in dhismaha matxafkan la bilaabo.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Xafladda furitaanka waxaa Obama ku weheliyay xaaskiisa

Madxafka Smithsonian National Museum waxaa yaalla 36,000 oo shay.

Inkastoo waxyaabaha halkaas yaalla ay qaarkood tilmaamayaan xiligii adoonsiga haddana Nick Bryant oo BBC-da uga soo waramaya Washington wuxuu leeyahay waxaa jira waxyaabo kale oo tilmaamaya sida dhaqanka dadka Madaw uu u noqday mid qeexayo dhaqanka Maraykanka.

Dad madaw oo caan ahaa ayaa soo jeediyay 1915 hindisaha dadka Madaw ee Maraykanka ah loogu dhisayo matxaf.

Si kastaba ha ahaatee aqalka Congress ma uusan ansixinin tan iyo 2003-dii, dhismihiisuna wuxuu qaatay hadda afar sano.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Obama iyo Bush ayaa daawaday heesta qaranka