Mudaharaadyo ka dhacay dalka Finland

Dad socod ku maraya Finland Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dad socod ku maraya Finland

Kumannaan qof ayaa ka qeyb qaatay socod ka dhacay dalka Finland, oo ay kaga dibadbaxayaan cunsurinnimo isa soo tareysa iyo rabshadaha xagjirnimada ah oo ay geysanyaan kooxaha garabka midig.

Booliska ayaa sheegay in ku dhawaad 15,000 oo qof ay ku dibad baxeen caasimadda dalkaasi ee Helsinki.

Ra'iisul wasaaraha Findland, Juha Sipilä, ayaa ku biiray socod ka dhacay magaalada Kuopio.

Dibadbaxyadan ayaa daba socda geerida nin laga shakisan yahay in ay dileen kooxaha Nazi-ga taabacsan.

Mr Sipilä ayaa sheegay in rabshadaha isa soo taraya ee xagjirnimada ah ay walaac ka qabaan in badan dadka u dhashay dalkaasi Finland.