Wenger: Guushii xalay muhiim ayay ahayd

Arsenal Chelsea Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Arsenal ayaa 3-0 uga adkaatay Chelsea

Tababaraha kooxda Arsenal, Arsene Wenger ayaa sheegay in guushii 3-0 ahayd ee ay xalay kooxdiisa ka gaartay Chelsea, ay ka mid tahay guulihii ugu wanaagsannaa ee sanadihii dambe soo maray.

Arsenal ayaa ciyaar wanaagsan soo bandhigtay qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana 40-kii daqiiqo ee ugu horreeyay saddexda gool u kala dhaliyay Alexis Sanchez, Theo Walcott iyo Mesut Ozil.

Guushaasi ayaa ahayd tii ugu horreysay ee Arsenal ay ka gaarto Chelsea tan iyo sanadkii 2011, iyo weliba tii ugu xumeyd ee ay dusha u saarto tan iyo April 1997.

Arsenal ayaa hadda ku jirta kaalinta 3-aad ee shaxda kala horreynta kooxaha horyaalka, waxaana ay 5 dhibcood ka hooseysaa Manchester City oo hogaanka haysa.