Maxkamadda sare oo Somaliland oo xukuntay Khilaafkii UCID
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxkamadda sare oo Somaliland oo xukun ka soo saartay khilaafka UCID

Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta xukun kama danbeys ah ka gaartay khilaafka soo jiitamay ee labada garab u kala qaybiyay xisbiga mucaaradka ee UCID.

Maxkamadda ayaa xukuntay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn lixdan maalmood gudahood si loo horgeeyo heshiis ay mar hore labada dhinac wada galeen, iyadoo egrada shirweynahaasi loo raacaayo xeerka xisbiga qodabkiisa 12aad.

Waxay kaloo maxkamadu xukuntay in guddi qabanqaabo oo toban xubnood ka kooban ay hawlgeliyaan labada garab, si is la'egna ay u soo magacaabaan , waxaana marjac u noqonaya gudigaasi hogaanka sare ee xisbiga UCID, wuxuuna yeelanayaa hogaanka sare awoodda go'aannada kama danbeysta ah.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo goob joog u ahaa maxkamada maanta ayaa warbixintan nooga soo diray isagoo markii danbena dareenkooda weydiiyay labada Garab ee is haya ee xisbiga UCID.