Gabadh madax ka ah waax Jaamacadeed
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabadh madax ka ah waax Jaamacadeed

Qaar ka mid ah waalidiinta Soomaalida ah ayaan ku dadaalin waxbarashada gabdhaha, waxaana jirta caado soo jireen ah oo waxbarida wiilasha looga doorbidayo tan hablaha.

Balse sanadihii dambe, waxaa soo kordheysay tirada gabdhaha waxbarta, iyo weliba kuwo heerka ku gaaray waxbarashada ay heleen.

Sidaa oo ay tahayna, weli tirada gabdhaha dhigta jaamacadaha Soomaaliya ayaa aad uga yar tan wiilasha.

Raaqiyo Axmed Maxamed, waa madaxa kuliyada culuunta aadanaha ee Jaamacada Soomaaliya ee Muqdisho.

Weriyaha BBC Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayay uga warranatay heerka waxbarashada hablaha jaamacadaasi.