Haweenka Soomaalida ee ku hawlan tiknoolajiyada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka Soomaalida ee ku hawlan tiknoolajiyada

Sahro Cabdikarim Ibrahim waa gabadh dhalinyaro ah oo waxbaratay, waxa ay ka hirgalisay magaalooyinka Muqdisho, Hargeysa iyo Baydhabo shirkad dhinaca teknolojiyada ah oo adeegyo casri ah bixisa.

Sahro oo shirkaddan aasaastay 2006dii ayaa waxa ay bixisaa adeegyo ay kamid yihiin in loo sameeyo shirkadaha ganacsiga iyo xarumaha caafimaadka barnaamijo xagga computer ka ah oo fududeynaya shaqooyinkooda sida xisaabaadka iyo maamulka.

Sahro shirkadeeda waxa hadda ka shaqeeya labaatan qof.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa xafiiskeeda ku booqday Sahro, waxa uuna marka hore weydiiyay, waxa ay shirkadeedu qabato.