Liverpool: Waxay u badan tahay in aan la ballaarinin garoonkanaga Anfield

Garoonka Liverpool ee Anfield Lahaanshaha sawirka Getty Images

Qorshe la doonayay in lagu sii ballaariyo garoonka Anfield ayaan sii socon karin, sababtuna waa in kooxda Liverpool ay ka walaacsan tahay taageerayaasha ka carooday qiimaha tikitka ee la kordhiyay, lacagta halkaas ka soo baxda ayaana la rabay in loo adeegsado ballaarinta.

Bishii labaad ee sanadkan kumanaan taageereyaal ah ayaa ka mudaaharaaday qorshe la doonayay in tikidada qaar lagaga dhigo 77 Gini.

John Henry oo ah mulkiilaha Liverpool ayaa sheegay in arrinta Tikidku ay tahay xaalad ka taagan England ayna u muuqato in ay meesha ka saarayso sii ballaarintii garoonka.

Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa warkaas ku sheegay "niyad jab" waxayna sheegeen in ay jeclaan lahaayeen in arrinta la kala caddeeyo.

Liverpool ayaa ballaarisay garoonka iyada oo baaxaddiisa ka dhigtay 54,074.

Waxaa lagu kordhiyay 8,500 oo kursi, haddii wajiga labaad ee ballaarinta la galena waxaa ku darsami doona 5,000 oo kursi oo dheeri ah.

Henry ayaase sheegay in uusan hubin in tallaabadaas labaad uu qaadi karo.

Xilli ciyaareedkii hore shirkadda Fenway Sports Group ee uu leeyahay Henry ayaa raali galisay taageerayaasha kana laabatay qorshe ay ka xanaaqeen oo lagu kordhinayay qiimaha tikidada.

Qaar ka mid ah taageereyaasha ayaa garoonka isaga dareeray ciyaartii guriga Liverpool ka dhacay ee ay la lahaayeen Sunderland oo barbaro 2-2 ah ku dhamaatay.