Jahwareer ka dhashay duqeyntii Maraykanka ee Gaalkacyo

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Marykanka

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ciidammadeeda ay duqeyn u geysteen meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya oo ay ku dileen sagaal ka mid ah dagaalamayaasha Al-shabaab.

Balse maamulka Galmudug ayaa sheegay in 22 ka mid ah ciidammadooda lagu dilay duqeyntaasi, waxyna ku eedaysay Puntland oo xiriirkoodu uusan fiicneyn inay macluumaad khaldan siisay Maraykanka.

Afhayeen u hadlay waaxda gaashaandhigga Maraykanka, captain Jeff Davis, oo shir jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in weerarka Gaalkacyo uu ahaa mid ay ku bartilmaameed sadeen dagaalamayaasha Shabaab oo khatar ku ahaa Maraykanka.

Al Shabaab, ayaase sheegtay in weerarkaasi aysan cidna wax uga noqon islamarkaana aysanba ka hawl gelin deegaanka la weeraray.

Afhayeenka gaashaandhigga Maraykanka ayaa hadalka Galmudug ku tilmaamay "eedeymo aan run ahayn", balse wuxuu intaasi ku daray inay baaritaan sameyn doonaan.

Dadka deegaanka oo ka careysan weerarka Maraykanka ayaa dhigay mudaaharaadyo, waxayna gubeen calanka Maraykanka.